Dibad baxyo ka dhacay Togo oo ay dad ku dhinteen

Dibadbaxayayaal Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dibadbaxayayaal

Ugu yaraan 4 qof ayaaa ku dhimatay dibadbaxyadii ugu dambeeyay oo looga soo horjeedo dolwadda oo ka dhacay dalka Togo.

Ciidamada ammaanka ayaa waxay isticmaaleen suntan dadka ka ilmaysiisa waxaana isku dhacay dibad baxayayaasha iyo booliiska qaybo ka mid ah caasimada Togo Lome iyo magaalada labaad ee ugu wayn ee Sokode.

Mucaaradka ayaa go'aansaday in ay sii wadaan dibad baxyada ay ku baaqeen in dalkaasi laga dhigo maalmaha Khamiista iyo Arbacada .

Balse dowlada dalka Togo ayaa mamnuucday dibadbaxyada la dhigo maalmaha shaqada.

Ka dib bilooyiin dibadbaxyo looga soo horjeedo dowlada ayaa dibad baxyadan imika soo cusuboonaaday waxa ay ka danbeeyeen ka dib maalmo rabshado ay ka socdeen magaalada labaad ee ugu wayn dalkaasi ee Sokode.

Maalintii Talaadada, dibadbaxyadii dhacay ayaa ka dambeeyay ka dib markii la xiray nin imam ah taasi oo ay ka dhalatay dhimashada laba askari iyo laba qof oo rayid ah.

Bayaan ay dowladda Togo soo saartay ayaa lagu xaqiijiyay in la xiray imam Djobo Mohamed Allassani,oo ah wakiilka mid ka mid ah xisbiyada waawayn ee mucaaradka ee magaalada Sokode.

Dowlada Togo ayaa ninkan ku eedeeysay in uu ku baaqay rabshado iyo in uu kiciyo dadwaynaha.

Sida ay sheegtay hay'ada Amnesty international,xaalada xuquuqda aadanaha ee Togo ayaa sii xumanaysa oo maraysa heer laga walaaco.

Dibad baxyayaasha ayaa ka soo horjeeda isku dayga uu ku doonayo madaxwayne Faure Gnassingbe in uu isbadal ku sameeyo dastuurka dalkaasi.

Dibad baxayayaasha ayaa dalbanaya in uu xilka baneeyo marka uu dhamaysto muddada madaxtinimadiisa oo ku eg 2020.