Madaxwaynayasha 12 dal oo Afrika ah oo maata uu shir uga furmayo Barazzavile

Wadamada harooyiinka wawayn Lahaanshaha sawirka .
Image caption Wadamada harooyiinka wawayn

Ilaa 12 madaxweyne oo ka socda waddamada qaaradda Afrika ayaa maanta lagu wadaa in ay ku kulmaan magaalada Barazzavile ee caasimadda dalka Congo.

Kulanka oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa waxaa lagu gorfeyn doonaa dhibaatooyiinka haysta qaar ka mid ah wadamada Afrika..

Mas'uuliyiintan ka qayb galaya shirkan oo loogu magac daray shirka caalamiga ah ee gobolka Harooyinka waaweyn ayaa waxa ay si gaar ah diirada u saari doonaan dhibaatooyiinka ka jira dalalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Burundi, Jamhuuriyadda Dimuquraaddiga Congo iyo Koonfurta Suudaan.

Khubarada u kuur gala arrimahan ayaa waxa ay sheegayaan in horey xal u helida dhibaatooyinka dalalkan loogu bixiyay lacago badan balse lagu guuldareystay xalkooda.

Dalka Koofurta Sudan oo xorriyadooda qaatay 6 sano ka hor ayaa wax ka bilaabmay dagaal sokeeye.

Dalka Burundi rabshado ayaa ka dhashay go'aankii madaxwayne Pierre Nkurunziza uu ku doonayay in mar seddexaad uu xilaka madaxwaynanimada u tartamo.

Wadanka Jamhuuriyadda afrikada dhexe ayaa waxa isaga lagu tilmaamay dagaal la hilmaamay ee Qarada Afrika.

Su'aasha ay dad badan is waydiinayaan ayaa ah hogaamiyayaasha 12 dal xal uma heli doonaan dhibaatooyiinka ka jira dalalkan?