Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan oo ka hadashay xaaladda dad dhaawac ah oo halkaa la geeyay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan oo ka hadashay xaaladda dad dhaawac ah oo la geeyay Khartuum

Magaalada Khartuum waxaa xalay la gaarsiiyay dhor iyo konton qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qarixii lagu halaagsamay ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Intii ay dadkaasi hawada ku soo jireen waxaa sida la sheegay dhexda ku dhintay nin ka mid ahaa dadka dhaawaca ah, kaa oo la sheegay in uu wadnaha istaagay.

Dhanka kale safaaradda Soomaaliya ee Suudaan ayaa faafaahin ka bixisay xaaladda dadka dhaawaca ah ee la geeyay khartuum, iyadoo ay soo baxayeen warar sheegaya in dadkaasi ay daryeel xumo halkaasi ku haysato.

Xaaladda dadkaasi dhaawaca ah ayaa waxaa weriyaha BBC-da Xasan Cali Geele uga waramay safiirka Soomaaliya ee Suudaan Maxamed Cabdullaahi Ugaas.