Lamaane Tunuusiya loogu xiray in ay is dhunkadeen

Dacwad oogaha ayaa sheegay in lamaanahan ay iyaga oo qaawan ku dhex jireen gaariga Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dacwad oogaha ayaa sheegay in lamaanahan ay iyaga oo qaawan ku dhex jireen gaariga

Maxkamadda racfaanka ee dalka Tunuusiya ayaa ayidday xukun anshax xumo bulshada lagu dhex sameeyay ah oo lagu riday lamaane gaari isku dhex dhunkaday bishii Sabtembar.

Nessim Ouadi oo Faransiiska u dhashay ayaa lagu eedeeyay in uu booliiska amardiiday markii ay xirayeen isaga iyo gabadha ay saaxiibbaha yihiin ee reer Tunusia.

Lamaanahan ayaa lagu kala xukumay afar bilood oo ninka ah iyo labo billood oo gabadha ah, balse xukunkan ayaa ka sahlan midkii markii hore lagu xukumay.

Kiiskan ayaa caro xoog leh ka dhaliyay baraha bulshada, waxaana laga dooday anshaxa bulshada dhexdeed iyo doorka booliiska.

Dacwad oogaha ayaa sheegay in saxaafadda caalamku ay six un u tabisay warkan laamanahanna ay qaawanaayeen ayna isu galmoonayeen marka la qabtay.