Qaramada Midoobe oo xukuumada Ciraaq ugu baaqday in rayidka la ilaaliyo

Saraakiisha Kurdiyiinta ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay qaxeen 100,000 oo qof Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Saraakiisha Kurdiyiinta ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay qaxeen 100,000 oo qof

Qaramada Midoobe ayaa walaac ka muujisay wararka sheegay in barakicin qasab ah oo gaar ahaan lagu bartilmaameedsanayo dadka rayidka ah ee Kurdiyiinta ay ka socoto waqooyiga Ciraaq.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in rabshado lagula kacay dadka Kurdiyiin waqooyiga Ciraaq.

Ciidamada dowlada ayaa la sheegay in ay dileen qof dibad bax cabasho ah dhigayay magaaladda Khanaqin.

Ciidamada dowladda Ciraaq ayaa ku sii siqaya gooba ay horey u maamuli jireen xukuumada Kurdiyiinta.

Horey waxa ay Ciidamada Ciraaq gacanta ugu dhigeen magaalada qaniga ku ah Shidaalka ee Kirkuk, .

Qaramada Midoobey ayaa ugu baaqday xukumadda Baqdaad in ay xaqiijiso in la difaaco dhammaan dadka rayid ah.

Dhanka kale maamulka Kurdiyiinta Waqooyiga Ciraaq ayaa waxa ay soo dhaweeyeen wadaxaajoodka uu ku baaqay raisul wasaaraha Ciraaq.