Hay'ada Unicef oo dayrisay xaalada caruurta Rohingya

Caruurta Rohingya ayaa halis ugu jira cuduro iyo in lagu shaqaysto Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Caruurta Rohingya ayaa halis ugu jira cuduro iyo in lagu shaqaysto

Hay'ada daryeelka caruurta ee Qaramada midoobe ayaa soo saartay warbixin cusub oo muujinaysa xaalada liidata ee ay ku sugan yihiin caruurta Rohingya ee ka soo qaxaya Myanmar ee soo gaaraya Bangladesh.

Todobaad waliba ayaa waxa xarooyiinka buux dhaafay soo gaara ku dhawaad 12,000 oo ah caruur ka soo talaabay xuduuda.

Hay'ada Unicef ayaa sheegtay in xaaladda caruurtan ay tahay mid liidata.

Caruurtan ayaa sida hay'ada ay sheegtay aan haysan cunno,biya nadiif ah iyo waxyaabaha kale ee loo baahan waxa ayna halis ugu jiraan cuduro iyo in lagu shaqaysto.

Warbixinta hay'ada dhalaanka u qaabilsan Qaramada Midoobe ee Unicef ayaa ku soo beegmaysa ka hor kulan todobaadka soo socda lagu wado in ay hay'ada lacago ku dalbato.

Hay'ada Unicef ayaa lagu wadaa in ay codsato lacag dhan 76 milyan oo doolar si ay u caawiso caruurta Rohingya.