Culimada Soomaaliyeed sidee ayay u arkaan xalka dhibaatada Soomaaliya
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Culimada Soomaaliyeed sidee ayay u arkaan xalka dhibaatada Soomaaliya

Tan iyo markii uu dhacay qarixii sabtidii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho ee galaaftay nolasha ku dhawaad 300 oo qof ayaa waxaa soo baxayo su'aalo ay dadka iska weydiinayaan sida qaraxyadan looga hortagi karo iyo sida looga guuleysan karo xarakada Al-Shabaab oo ay dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay mas'uuliyadda qaraxaasi.

Maalintii arbacada ahayd ayaa qeybo badan oo ka tirsan Soomaaliya waxaa ka dhacay dibadbaxyo xooggan oo lagu cambaareynayay qaraxaasi, iyada oo dadku ay muujinayeen caradooda ka dhanka ah xarakada Al-Shabaab.

Haddaba maxaa xal u ah Soomaaliya? Su'aashaasi iyo kuwo kale ayuu weriyaha BBC-da Bashkas Jug-soo-dhcay waxa uu u bandhigay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed.