Somaliland iyo Khatumo oo kala saxiixday heshiisyo dhowr ah

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxweynaha maamulka khaatumo Dr Cali Khaliif Galleyr
Image caption Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxweynaha maamulka khaatumo Dr Cali Khaliif Galleyr

Madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxweynaha maamulka khaatumo Dr Cali Khaliif Galleyr ayaa xalay magaalada Ceynabo ku kala saxiixday heshiiska wadahadallo labada dhinac u soo socday labadii sano ee u dambeeyay oo ka kala dhacay dalalka Itoobiya, Imaraatka, Hargeysa iyo Jabuuti.

Nuqul kamid ah warmurtiyeedka heshiiska oo ay heshay BBC-da ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay kala saxiixdeen qoddobo ay kamid yihiin

  • In la helo cadaalad, sinaan iyo nabad ku wada noolaansho.
  • In la wada ilaaliyo jiritaanka iyo madaxbanaanida Somaliland.
  • In khilaaf kasta oo jira lagu dhameeyo wada hadal iyo jid nabadeed.
  • In dastuurka dib loo furo, si loo sugo awood qeybsi ku dhisan cadaalada iyo Sinaan, guddi joogto ahna arrintaasi loo saaro.
  • In Somaliland, ururada samafalka iyo hey'adaha jimciyada quruumaha ka dhaxeysa ay ka hawl galaan sidii mashaariic horumarineed looga fulin lahaa gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle iyo In ciidamada hubeysan ee Khaatumo la qarameeyo, oo Somaliland ay yeelato ciidan qaran oo suga xuduudaha, jirintaanka iyo danaha Somaliland.

Madaxweynaha maamulka Khatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa dhowr jeer booqasho ku tegay Somalialnd, halkaasi oo uu uga qeyb galay wadahadal u socday isaga iyo Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka Khatumo ayaa horay uga soo horjeystay wadahadalada Cali Khaliif uu kula jiray Somaliland, waxaase ilaa iyo imika aan kala cadeyn sida heshiisyadaasi ay uga dhaqan geli doonaan deegaanada maamulka Khaatumo, maadaama ay jiraan dad iyagu saluugsan qaabka uu wax u wado Cali Khaliif Galleyr.

Cali Khaliif ayaa horay xilibaan iyo ra'iisul wasaare uga soo noqday dowladdii Cabdi Qaasim Salaad Xassan sannadki 2000.