Isqabqabsiga madaxda maamul goboleeyada iyo kuwa federaalka muxuu sababi karaa?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Isqabqabsiga madaxda maamul goboleeyada iyo kuwa federaalka muxuu sababi karaa?

Iyadoo markale uu shaac baxay isqabqabsi u dhaxeeyo madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa dadka falanqeeya arrimaha Soomaaliya waxa ay ka digayaan in arrintaasi ay dib u dhac ku keeni karto dalka.

Shalay ayey aheyd markii madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ay si wadajir ah u soo saareen war saxaafadeed ay ku dhaliileen dowladda federaalka.

Arrintan ayaa imanaysa todobaad un kaddib markii qarax weyn uu gilgilay magaalada Muqdisho, kaasi oo galaaftay nolosha 358 qof, boqolaal kalana ay ku dhaawacmeen.

Haddaba si aannu u falanqeyno isqabqabsiga cusub ee maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa waxaannu la xiriirnay Prof Cabdi Ismaaciil Samatar, oo u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo marka waydiiyay waxa kaga baxay war saxaafadeedka madaxda maamul goboleedyada?