Doorashada ku celisk ah ee Kenya oo saameyn ku yeelatay ganacsiyada kala duwan ee dalkaasi
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Doorashada ku celisk ah ee Kenya oo saameyn ku yeelatay ganacsiga

Dhaqaalaha waddanka Kenya ayaa sii liicaya xilli uu taagan yahay jahawareer siyaasadeed oo salka ku haya doorashada madaxtinimada ee ku celiska ah ee loo ballansan yahay maalinta Khamiista ah ee soo socota.

Sarkaal sare oo ka tirsaneyd guddiga doorashada oo iscasishay ayaa sheegtay in guddiga uusan qaban karin doorasho xor iyo xalaal ah, halka isbaheysiga mucaaradkana uu isaga haray doorashada kuna goodiyay in maalinta doorashada ay dalka oo dhan ka sameyn doonaan mudaharaadyo ballaaran.

Siyaasaddan cakiran ayaa waxa ay saameysay ganacsatada kala gedisan kuwaas oo intooda badan la daalaa dhacaya sidii ay badeecadahooda suuq ugu heli lahaayeen.

Haddaba Cabdulqaadir Yuusuf Cali ayaa booqday suuqa weyn ee xaafadda Islii ee magaaladatan Nairobi waxa uuna u kuurgalay sida doorashada ku celiska ah ay u saameysay habsami u socodkii ganacsiga ee suuqaasi, kaddibna warbixintan ayuu ka diyaariyay.