Booqashada Farmaajo ee Uganda maxay salka ku heysaa?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Booqashada Farmaajo ee Uganda maxay salka ku heysaa?

Kaddib qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee 14-kii bishan gilgilay magaalada Muqdisho ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay bilowday dadaalo ay ku baadigoobayso sidii ay taageero ugu heli laheyd dagaalka ay kula jirto Xarakada Al-Shabaab.

Iyadoo taa laga duulayana Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyo wafdi uu hogaaminayo ayey booqasho uga bilaabatay dalka Uganda, sidoo kalana waxa uu wafdigaasi booqan doonaa dalalka ay askarta ka joogaan Soomaaliya.

Haddaba safarka Madaxweyne Farmaajo muxuu ku soo kordhin karaa ammaanka sii liicaya ee Soomaaliya? Su'aashaas iyo kuwa kale ayaannu waydiinnay Cabdiraxman Sahal oo ah cilmi baare ka faalooda arrimaha ammaanka, waxa uu u warramay weriyaha BBC-da Cabdirisaaq Xaaji Catoosh.