Waddani oo ololaha doorashada ka billaabay Somaliland
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waddani oo ololaha doorashada ka billaabay Somaliland

Iyadoo maalintii saddexaad uu galay ololaha doorashada Somaliland, ayaa maanta kumannaan ruux oo ah taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ay dhoollatusyo iyo isu soo bax ka sameeyeen fagaaraha beerta xorriyadda ee magaalada Hargeysa.

Taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee waddani waxay ku labisnaayeen qaarkood calanka xisbiga iyagoo qaarkoodna lulayay kuna dhawaaqayay ereyo ay ka muuqatay xamaasad xisbinimo.

Dadka isugu soo baxay magaalada Hargeysa waxaa kala qayb galay murashaxa madaxweynaha ee xibiga waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

Maanta waxaa kaloo taageerayaasha xisbiga waddani fagaarayaasha khayriyada ee magaalooyinka waaweyn ku muujiyeen cududdooda ololaha doorashada, iyadoo murashaxa madaxweyne xigeenka Maxamed Cali Cabdi uu kala qayb galay taageerayasha waddani ee magaalada Borama.

Haddaba weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa warbixintan noo soo diray goor dhoweyd isaga oo diiradda ku saaraya ololaha xisbiga mucaaradka ah ee waddani