Falanqayn:  Fursadaha iyo Caqabadaha horyaalla Waare
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falanqayn: Fursadaha iyo Caqabadaha horyaalla Waare

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu caleemo saaray madaxweynaha cusub ee maamulka Hir-Shabeelle, Maxamed Cabdi Waare.

Caleema-saarka Waare ayaa yimid ka dib markii 16kii bishii Sitembar uu ku guulaystay doorasho ka dhacday magaalada Jowhar oo ay xubnaha Baaralamaanku u codeeyeen.

Wuxuu beddelay madaxweynihii isaga ka horreeyey, Cali Cabdullaahi Cosoble, oo ilaa hadda aan raalli ka ahayn qaabkii uu baarlamaanku kalsoonida ugala laabtay.

Haddaba dadka wax indha indheeya waxay farta ku fiiqayaan dhowr qodob oo ay u arkaan inay yihiin kuwo mudan inuu Waare muhiimadda siiyo. Qodobbadaas waxaa ka mid ah, amniga, iskaashiga kala dhaxeeya dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada iyo dagaalka Al Shabaab.

Faarax Lamaane ayaa arrimaha ugu muhiimsan ee wakhtigan horyaalla Maxamed Cabdi Waare wax ka weydiiyey Maxamed Nuur Caalin oo falanqeeya arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya.