Xildhibaan loo ganaaxay fagaare uu ku kaadiyay

BBC

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Uganda ayay maxkamad ku ganaaxday $10 ka dib markii la sheegay inuu ku kaadiyay meel fagaare ah.

Muuqaalka xildhibaanka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada Uganda, sida uu ku warramay wargeyska New Vision.

Abraham Abiriga ayaa lagu ganaaxay $10 ka dib markii uu qirtay inuu dambigaasi galay 25-kii September meel u dhaw wasaaradda maaliyadda.

Waxaa loo cuksday xeerarka dowladda hoose ee Kampala oo dhigaya in qofkii magaalada gudheeda xaajadiisa ku gutaa lagu ganaaxi doono 40,00 shilinka Uganda ah(10 doolar) ama uu muteysan doono laba bilood oo xarig ah.

Mar ay saxaafaddu wax ka weydiisay arrintaasi ayuu xildhibaanku ku jawaabay ''ma waxaad rabteen inaan kaadida isku celiyo''.