Qaraxii Soobe ka dib, gaadiidka waaweyn oo cabsi laga qabo

Halkii uu ka dhacay Qaraxii isgoyska Zoppe, 14 Oktoobar.
Image caption Halkii uu ka dhacay Qaraxii isgoyska Zoppe, 14 Oktoobar.

Isbuucii tagay, Qof haweenay ah oo Soomaaliya ku nool ayaa qori la hor istaagtay gaari wayn oo kuwa xamuulka qaada ah, waxayna dareewalkii ku amartay in uu joojiyo gaariga si loo baaro.

Baabuurka wuxuu u ekaa kii dhowaan loo adeegsaday qaraxii Muqdisho ka dhacay ee ay ku dhinteen dad ka badan 350 qof.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Gaadiidka waaweyn oo cabsi laga qabo

Haweenaydan oo ku nool magaalada Caabudwaaq waxay sheegtay in dadka weli argagax iyo walwal ay ka qabaan baabuurta noocan xamuulka ah, wixii ka dambeeyey qaraxaasi.

''Waxa ka dhacay muqdisho 14-kii bishan waa xasuuq aanan weligeen iloobi doonin. Aad ayaan isaga ilaalinaynaa baabuurta xamuulka ee soo galaya magaaladeena. Markii aan aragnay baabuur ah TM oo Soo galaya magaaladeena, waan argagaxnaa." ayey u sheegtay BBC-da

"Anagoo ah dhowr dumar ah oo waddada hareeraheeda qaad ku iibinayay. Aniga waxaan haystay qori. Dadkii waxay bilaabeen in ay qeyliyaan, aniga qoriga ayaan ku qabtay baabuurkii, dareewalkana waxaan ku amray in uu gaariga joojiyo,'' ayey hadalkeeda ku dartay.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho wuxuu ku soo warramaya in dad badan ay cabsi iyo baqdin ka qaadeen gawaarida la midka ah midkii loo adeegsaday qaraxii isgoyska Soobe.