Mugabe: Danjirenimada WHO ee lala noqday maba abqabali lahayn

Mugabe tubaakada awgeed danjirenimada WHO "ma abqabali lahayn" Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Kuwa dhaliila Mr Mugabe ayaa ku eedeeyey in uu yahay kaligii taliye

Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe ayaa la sheegay in aanu aqbali lahayn jagada Danjire sharafeedka hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO sababtoo ah waddankiisa wuxuu caan ku ahaa soo saarka tubaakada, sidaasi waxaa lagu qortay jariidadda ay dawladdu leedahay ee Herald oo hadalkan ka soo xigatay George Charamba oo ah afhayeenka hoggaamiyaha rug caddaaga ah.

Mr Mugabe ayaa warbaahinta ka ogaaday magacaabista, waxaana uu u qaadan lahaa codsi rasmi ah oo looga dalbado in uu noqdo danjire sharafeed mid aan la aqbali karin, ayuu hadalkiisa sii raaciyey Mr Charamba.

Madaxa WHO oo ka laabtay go'aankii uu ugu magacaabay Mugabe safiir sharafeedka hay'adda

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Tedros Ghebreyesus waa Afrikaankii ugu horreeyey ee hogaamiya WHO

''Mr Mugabe ma aqbali lahayn in Zimbabwe joojiso soo saarista tubaakada, ilaa iyo inta ay jiraan dad u xaraarraysan inay sigaar dhuuqaan ayna dalbadaan, ilaa iyo inta "cabitaanno xun" oo kale aduunyada laga soo saaro laguna iibiyo oo ay ka mid yihiin qamriga whisky iyo biirka, kuwaasi oo sababa dhimasho ka badan inta sigaarku sababo'', ayaa laga soo xigtay Mr Charamba.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Tubaakada ayaa ah isha dhaqaalaha ay Zimbabwe dibadda ka hesho

Agaasimaha guud ee WHO Tedros Ghebreyesus oo u dhashay Itoobiya waa Afrikaankii ugu horreeyey ee jagadaas qabta, wuxuuna ku dhawaaqay magacaabista Mr Mugabe todobaadkii la soo dhaafay, isagoo leh in uu u adeegsan karo doorkaas "in uu saameyn ugu yeesho sidii saaxiibaddiisa gobolka" ay ula dagaalami lahaayeen cudurrada aan la is qaadsiin karin.

Laakiin wuxuu ka laabtay go'aankaasi ka dib markii si wayn loo cambaareeyey, waxaa ka mid ahaa cambaareynta meelaha ay ka timid Dawladda UK iyo Ra'isalwasaaraha Canada Justin Trudeau.

Labaatankii sano ee ugu horreeyey xukunka 37 sano ee Mr Mugabe wuxuu si wayn wax uga qabtay arrimaha caafimaadka, laakin adeeggaas ayaa si balaaran u saameeyey dhaqaalaha Zimbabwe oo jilbaha dhulka dhigtay tan iyo sanadkii 2000.

Shaqaalaha ayaa badiyaa ku shaqeeya mushaar la'aan, helitaanka caafimaadka ayaa aad u yar, iyadoo Mr Mugabe oo cimrigiisu dhaafay sodon sano ka badan celcelis ahaan da'da nolasha dadka waddankiisa wuxuu caafimaad u aadaa dalalka dibadda.