QM oo Iran ka codsatay inay jirxumada ka deyso shaqaalaha BBC

Khabiir ka tirsan Qaramada midoobay ayaa xukuumadda Iran ka codsaday inay joojiso jirxumaynta shaqaalaha BBC
Image caption Khabiir ka tirsan Qaramada midoobay ayaa xukuumadda Iran ka codsaday inay joojiso jirxumaynta shaqaalaha BBC

Khabiir ka tirsan Qaramada midoobay ayaa xukuumadda Iran ka codsaday inay joojiso jirxumaynta ay ku hayso shaqaalaha laanta afka Persian ee BBC iyo qoysaskooda.

David Kaye oo ah sarkaal qaabilsan xorriyadda afkaarta iyo hadalka, ayaa xaqiijiyey inuu BBC ka helay cabasho ah qaabka loola dhaqmay.

Arrintan ayaa timid, ka dib markii Iran ay billowday baaritaan ay ku samaynayso 150 shaqaale oo isugu jira shaqaale hadda u shaqeeya iyo kuwo hore ugu shaqaynayey BBC, iyo qaar caawiya oo loo haysto "mu'aamarad ka dhan ah amniga qaranka".

Maxkamad ayaa hore u soo saartay amar ay ku xannibayso hantida 150-kaas qof ay ku lugta leeyihiin.

Taasi ayaa micnaheedu yahay in aysan dhaxli karin hantida qoysaska, lagana hor istaagayo ayaga iyo qoysaskooda inay guryahooda ama gawaaridooda sii iibiyaan.

Image caption BBC ayaa heshay nuqul qoraalka maxkamadda ah oo ay ku qoran yihiin 152 magac

Agaasimaha guud ee BBC Tony Hall wuxuu sheegay in tallaabadaas Iran ay tahay "mid aan hore loo sii ogayn oo ah ciqaab wadareed", ayna ka soo hor jeeddo xuquuqaha aasaasiga ah ee bani aadmiga.

Laanta afka Persian ayaa wararka uga soo tabisa London qaabab isugu jira Raadiye, TV iyo barta internetka. Waxay gaarsiisaa qiyaastii 18 malyan oo qof todobaad kasta, in kastoo laga mamnuucay Iran.

Hadal qoraal ah oo Arbacada la soo saaray ayey BBC ku sheegtay in shaqaalaheeda qaybta Persian iyo dadka ku xiran ay bartilmaameed u noqdeen "olole isugu jira jirxumayn iyo ciqaab".