Aqalka Sanetka Spain oo maanta ka doodaya khilaafka Catalonia

Carles Puigdemont dhanka (midig) Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Carles Puigdemont dhanka (midig)

Aqalka Sanetka Spain ayaa maanta lagu wadaa in ay ka doodaan qorsho ay xukuumadda Madrid ku doonayso in ay kula wareegto qaar ka mid ah awoodaha maamulka Catalonia.

Hogaamiyaha Catalonia, Carles Puigdemont, ayaa sheegay in uusan ku baaqi doonin doorasho waqtigeeda laga so hormariyay ,xilli xukuumadda Madrid ay ku hanjabayso in ay la wareegi doonto qaar ka mid ah awoodaha maamulka Catalonia.

Balse Mr Puigdemont carabka kuma uusan dhufan in uu ku dhawaaqi doono madaxbanaani.

Qaar ka mid ah isbahaysiyada Catalonia ee mayalka adag ayaa ku eediyay Mr Puigdemont in uu yahay nin dalka khiyaanay

Hogaamiyayaasha gobolka Catalonia ayaa doonaya in wadahadalo ay la galaan dowlada ka hor inta aqalka Sanetka Spain aysan ansixin qorshaha ay xukuumada Madrid ku soo faragalinayso maamulka Catalonia.

Raisul wasaaraha Spain Soraya Saenz de Santamaria ayaa u sheegay aqalka Sanetka in ay difaacayaan Catalonia oo ay ka difaacayaan kooxo gooni u goosad ah oo wada maamul xumo.

Maamulka Catalonia ayaa waxa ay sheegeen in aftidii ka dhacday gobolkaasi ay dadka u codeeyeen madaxbanaani.

Xukuumada Spain ayaa ku tilmaamtay aftidaasi in ay ahayd mid sharci daro ah.