Xukuumadda Spain oo bilaawday in ay la wareegto awoodihii maamulka Catalonia

Rai'sul wasaaraha Spain Rajoy (Bidix )iyo hogaamiyaha Catalonia Mr Puigdemont Lahaanshaha sawirka GETTY IMAGES/AFP
Image caption Rai'sul wasaaraha Spain Rajoy (Bidix )iyo hogaamiyaha Catalonia Mr Puigdemont

Xukuumadda Spain ayaa wada in ay la wareegto awoodaha maamulkii la kala diray ee gobolka Catalonia.

Dhanka kale dowladda Spain ayaa sheegtay in ay soo dhawaynayso in hogaamiyihii Catalonia ee shaqada laga cayriyay, Carles Puigdemont, uu ka qaybgalo doorashada cusub.

Doorashada gobolka Catalonia ayaa lagu wadaa in la qabto bisha December ee soo socota.

Afhayeen u hadlay xukuumadda Madrid Inigo Mendez,ayaa sheegay in inkastoo xilka laga qaaday hadana hogaamiyaha gooni u goosadka ah uu xaq u leeyahay in uu ka qaybgalo siyaasada.

Mar sii horeysay ayaa Mr Puigdemont waxa uu khudbad ka jeediyay telefishinka waxa uuna ku baaqay in iska cabin dimuqraadiyad ku dhisan lagaga horyimaado faragalinta dowlada dhexe.

Kumannaan qof ayaa isugu soo baxay magaalada Madrid ,waxa ayna dadkani lulayeen calanka Spain iyaga oo ku baaqayay midnimo qaran.