Xasarad siyaasadeed oo ka taagan gobolka Catalonia ee dalka Spain
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xasarad siyaasadeed oo ka taagan gobolka Catalonia ee dalka Spain

Xukuumadda Spain ayaa sii wada in ay la wareegto awoodaha dowladdii la kala diray ee gobolka Catalonia.

Balse xukuumadda Madrid ayaa siisay fursad uu uga qayb gali karo doorashada cusub ee December hogaamiyihiin shaqada laga cayriyay ee Catalonia, Carles Pujmont,.

Spain ayaa gashay jahwareer siyaasadeed tan markii la qabtay aftidii madaxbananida ee gobolka Catalonia,taasi oo ay maxkamada dastuuriga dalkaasi ku tilmaamtay sharci daro.

Hadaba maxaa ku dhaliyay dadka gobolka Catalonia in ay Spain inteeda kale ka go'aan? suaashan iyo su'aalo kale ayay Bushro Nuur Maxamed hor dhigtay Khadro faarax oo ah gabar Soomaaliyeed oo dhigata jaamacada Barcelona.