Maxaa laga fillan karaa isbadelka lagu sameyay laamaha ammaanka?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa laga fillan karaa isbadelka lagu sameyay laamaha ammaanka?

Labo todobaad gudahood ayay magaalada Muqdisho ka dhaceen weeraro u ka mid yahay kii ugu dhimashada badnaa ee muddo badan ka dhaca Soomaaliya.

Sabtidii lasoo dhaafay weerar lagu qaaday hotelka NAASOHABLOOD 2 ayaa waxa ku dhintay inta la xaqiijiyay 27 qof inka badan 30 qofna way ku dhawacmeen.

Iyadoo dowladda ay weeraradaasi ka fal celineyso ayay shaqada ka eriday madaxa hay'adda nabadsugida, iyo taliyihii ciidamadii booliska.

Hadaba madaxda amniga oo shaqada laga eryo maxay ku soo kordhin kartaa amaanka Muqdisho ama Somalia

Su'aashaas iyo kuwa kale ayaa Abdinur Sh Moh'd wuxuu waydiiyey Cabdiweli Garaad oo ka faalooda arrimaha ammaanka oo London jooga.