Mataanihii madaxa loo kala fujiyay oo afar maalmood ka dib "indhaha kala qaaday"

Sawirkan waxaa la baahiyay labo maalmood ka dib qalliinkan taariikhiga ah Lahaanshaha sawirka AIIMS
Image caption Sawirkan waxaa la baahiyay labo maalmood ka dib qalliinkan taariikhiga ah

Mid ka mid ah labadii wiil ee qalliinka lagu kala fujiyay iyagoo madaxa iskaga dhagan ayaa indhaha kala furay afar maalmood ka dib markii lagu sameeyay qalliinka taariikhiga ah, sida uu dhakhtar sheegay.

Jaga oo labo jir ah ayaa sidoo kale bishimaha dhaqaajiyay, wuxuuse u baahan yahay in maalin kaste kalyaha loo sifeeyo, maadaama oo uu kalyaha ka jiran yahay.

Walaalkii Kalia ayaa isagu wali miyir daboolan.

Wiilasha ayaa dhashay iyaga oo xididdadooda dhiigga iyo dahaarka maskaxdoodu isku dhagantahay, laakiin qalliin 16saac qaatay ayaa lagu kala fujiyay.

Soddon dakhtar ayaa ka qaybqaatay qalliinkan, waana midkii koobaad ee noociisa ah ee dalka Hindiya lagu fuliyo, waxaa qalliinka lagu sameeyay isbitaal ay dawladdu leedahay oo magaalada Delhi ku yaalla.

Lahaanshaha sawirka AIIMS
Image caption Dhakhaatiirtu waxay sheegeen in ay ku faraxsan yihiin sida ay u soo kabanayaan
Lahaanshaha sawirka AIIMS
Image caption Inta aan qalliinka lagu kala fujinin mataanaha

Labada wiilba xaaladdoodu way dagan tahay, waana lagu qanacsan yahay sida ay u soo hagaagayso, sida uu BBC-da u sheegay bare sare Deepak Gupta oo ka mid ah dadka ku lugta leh qalliinkan.

Mataanahan ayaa ka soo jeeda tuulo ku taalla gobolka Orissa ee dalka Hindiya, xaaladdan ay ku dhasheen ee madaxa ay iskaga dhaganyihiinna waxaa afka qalaad lagu yiraahdaa craniopagus.

Qalliinka ka hor waxay ka soo gudbeen marxalad adag, sababtoo ah saddexdii milyan ee ruux ee dhashaba hal ilmo ayaa xaaladdan lagu arkaa, 50% carruurta sidaas ku dhalatana waxay ku dhintaan 24 saac gudahood, sida ay dhakhaatirtu sheegeen.

Qalliinka koobaad waxaa la sameeyay 28kii Agoosto markaas oo dhakhaatiirtu ay sameeyeen xiddido u kala qaybiya dhiigii wadnaha ku soo laabanayay marka uu maskaxda gaaro ee ay halka xidid ka wada qaadanayeen.