Nin "qorsheynayay in uu madaxweyne Putin dilo" oo la dhaawacay

Amina Okuyeva ayaa si iskood ah u caawiya ciidamada Ukraine ee dagaalka kula jira mucaaradka uu taageero Ruushka Lahaanshaha sawirka AFP/Getty Images
Image caption Amina Okuyeva ayaa si iskood ah u caawiya ciidamada Ukraine ee dagaalka kula jira mucaaradka uu taageero Ruushka

Nin u dhashay Chechnya oo lagu eedeeyay in uu qorsheynayay siduu u dili lahaa madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa la dhaawacay, xaaskiisana waala dilay ka dib markii gaari ay wateen lagu weeraray magaalada Kiev ee dalka Ukraine.

Adam Osmayev "waxaa gaaray dhaawac fudud" markii rasaas lagu furay gaarigiisa, sida uu sheegay lataliyaha wasiirka amniga gudaha ee Ukraine, Anton Herashchenko.

Wuxuu sheegay in xaaskii Osmayev oo lagu magacaabay Amina Okuyeva ay dhimatay intuu weerarka socday.

Sanadkii 2012-kii, saraakiisha Ruushka waxay sheegeen in Mr Osmayev looga shakiyay in uu qeyb ka ahaa koox Islaamiyiin ah oo qorsheynayay dilka madaxweyne Putin.

Warbaahinta Ruushka ayaa ku warramay xilligaa in qorshaha uu ahaa in miinooyiin lagu xiro fagaaraha Kutuzovsky ee Moscow, oo Mr Putin oo maalin kastaa tagi jiray.

Warqad ka socotay Ruushka ayaa Ukraine lagu weydiistay in ay Moscow ku wareejiso Mr Osmayev - balse maamulka Kiev ayaa diiday dalabkaas.

Waxay sheegeen in maxkamadda xuquuqda aadanaha ee Yurub ay ka sugayaan in ay go'aan ka gaarto masaafurinta ninkaas.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Sawirka Amina Okuyeva oo la qaaday sanadkan 2017-ka

Bishii June ee sanadkan, wuxuu ka badbaaday iskuday dil oo ka dhacay Kiev. Ninkii weeraray waxaa dhaawacday xaaskiisa Amina Okuyeva.

Lamaanahan ayaa si wayn looga garanayaa dalka Ukraine, ka dib markii ay dagaalka ku caawiyeen militariga dalkaas ee la dagaallamaya mucaaradka taageerada ka hela Ruushka.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkan lagu qaaday ninka lagu eedeeyay in uu "dili rabay" madaxweyne Vladimir Putin.

Weerarkan wuxuu imaanayaa isbuuc ka yar ka dib markii weerar qarax lagu dhaawacay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ukraine.

Waardiyaha Ihor Mosiychuk iyo qof kale ayaa lagu dilay qaraxa. Mrs Okuyeva ayaana xildhibaankaa mar u ahayd lataliye.

Kiev waxaa sanadihii ugu dambeeyay ka dhacay weerarro lagu dilay siyaasiyiin magac lahaa iyo saxafiyiin.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan