Kenya: Is mari waaga siyaasadeed muxuu ku dambayn?
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Kenya: Is mari waaga siyaasadeed muxuu ku dambayn?

Hogaamiyaha mucaaradka Kenya, Raila Odinga, ayaa sheegay in aanay aqoonsanayn natiijada doorashadii ku celiska ahayd ee guushu ku raacday madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Odinga oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay sifo sharciga waafaqsan ku caarididi doonaan xukuumadda isla markaana ay samayn doonaan goleyaal shacab oo ay dadku kaga arrinsadaan arimaha siyaasadeed ee dalka ka taagan iyo sidii isbedel dalka uga hirgeli lahaa waa sida uu hadalka u dhigaye.

Waxa kale oo uu ugu baaqay taageerayaashiisa in ay qaadacaad dhaqaale ku soo rogaan shirkado door ah oo dalka ka shaqeeya, kuwaas oo mucaaradku ku eedeeyeen in ay u xagliyeen xukuumadda. Hadaba sidee xaaladdu noqon doontaa maalmaha soo socda, Maxamed Cabdillaahi oo ka faalooda siyaasadda Afrika ayaa Axmednagaashe uga waramay