Spain oo u yeertay hogaamiyihii hore ee Catalonia

Xigashada Sawirka, AFP/GETTY IMAGES
Carles Puidgemont
Maxkamadda sare ee Catalonia ayaa u yeertay hogaamiyihii xilka laga xayuubiyay ee gobolka Catalonia, Carles Puidgemont iyo 13 xubnood oo kale oo ka tirsanaa maamulkiisii xilka laga tuuray si ay maxkammada uga soo muuqdaan qaybaha dambe ee toddobaadkan.
Sidoo kale waxaa loo qabtay saddex maalmood si ay u shubaan 7.2 milyan oo doolar oo magdhaw u ah khasaaraha ay gaysteen.
Uyeeritaankan maxkamadda ayaa yimid ka dib markii dacwad oogaha guud uu sheegay Isniintii in uu ku qaadi doono dacwado ay fallaagonimo ka mid tahay.
Puigdemont ayaa hadda ku sugan dalka Belgium-ka isaga oo ay weheliyaan wasiiro maamul goboleed. Mar hore ayuu sheegay in uusan magangalyo dalban doonin.
Dadka Catalonia ee Spain maxay tirsanayaan
Carles Puigdemont ayaa daganaansho la'aan u horseeday Spain markii uu qabtay afti madaxbanaani horraantii bishii Oktoobar, inkastoo dawladda Spain ay ka soo horjeedsatay maxkamadda dastuurkuna ay ku tilmaantay codaynta mid sharci darro ah.
Dawladda dhexe ee Spain ayaa hadda si toos ah ula wareegtay maamulidda gobolka Catalonia.