Nin reer Japan ah "oo sagaal ruux ku dilay labo billood"

Ninka laga shakisan yahay Lahaanshaha sawirka AFP

Nin reer Japan ah ayaa qirtay in uu dilay sagaal ruux muddo labo bilood gudahood ah, sida ay Talaadadii ku warrantay warbaahinta Japan oo booliiska soo xiganaysa.

Takahiro Shiraishi ayaa la xiray Tallaadadii ka dib markii ay gurigiisa ka heleen xubno laga gooyay jir banii'aadan.

Waxaa lagu warramay in 27 jirkan uu sheegay in uu jirka dadka u jarjaray si ay u deeqaan xero yar oo bisadaha loogu talagay si uu ugu qariyo.

Booliiska Japan waxay sheegeen in ay qorshaynayaan in ay ku soo oogaan dacwado dilal.

Booliiska ayaa Talaadadii helay labo madax oo la jaray oo ku jira qaboojiye yaala bannaanka guriga uu dagan yahay ninka laga shakisan yahay.

Waxaa kale oo ay heleen xubno jir oo dad kale, kuwaas oo iyagana qaboojiye la galiyay.

Laakiin maalin ka dib xiritaankiisa, waxaa soo baxaya macluumaad badan oo ku saabsan qofka laga shakisan yahay.

Lahaanshaha sawirka EPA

Booliisku waxay warbaahinta gudaha u sheegeen in dadka uu laayay uu ka helay Twitterka, ayna ka shakisan yihiin in uu dilay maalintii u horraysay ee ay kulmeen.

Baareyaasha ayaa wali isku dayaya in ay aqoonsadaan dhammaan dadka la dilay.

Arrintan ayay booliisku ogaadeen iyaga oo ku raadjooga gabar da'yar oo la waayay.

Booliisku wuxuu sheegay in gabadhaasi ay Twitterka ka raadisay qof nafta ka qaada, ninka laga shakisan yahayna uu arrintaas gacan ka siiyay.