Diyaarad rakaab oo illowday maydad

Shirkadda diyaaradaha caalamiga ah ee Pakistan (PIA) ayaa amartay baaritaan la xiriira laba mayd oo looga soo tagay magaalada New York.
Waxaa la qorsheynayay in labada mayd loo duuliyo magaalada Lahore ee Pakistan, 28-kii Oktobar, balse waxaa si qalad ah loogaga soo tagay garoonka caalamiga ah ee JFK ee New York.
Duullimaadka wuxuu ahaa midkii ugu dambeeyay ee PIA isaga kala gooshto New York-Lahore. Dhowaan ayey qadkaasi joojisay. Shirkadda diyaaradaha Etixaad ayaana howshaasi la wareegeysa.
PIA waxay sheegtay in qaladka ay sababtay shirkadda howsha ka qabaneysay dhanka New York.
PIA waxay sheegtay "in ay ka aad uga xuntahay qaladaadka dhacay oo sababay dayacaad, waxayna raali gelisay qoysaska dadka dhintay."
Mid ka mid ah qoysaska ayaa hadda dalbaday in maydka lagu aaso Maryland, maydka labaadna waxaa lagu wareejiyay diyaaradda Etixaad oo geyneysa Lahore, sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay shirkadda PIA.
PIA waxay tilmaamtay in shaqada soo wareejinta ay ayaga qabanayaan, "dhaqaalaha oo dhanna ay PIA bixineyso".