Nigeria oo loo sameynayo koronto nukliyerka laga dhaliyo

Nin ka dibad baxaya korontada qaaliga ah ee Niegria Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Nin ka dibad baxaya korontada qaaliga ah ee Niegria

Ruushka ayaa saxiixay heshiis ay laba warshadood oo nukliyer ah ugu dhiseyso dalka ugu dhaqaalaha badan qaaradda Afrika ee Nigeria.

Ujeedada warshadahan ayaa ah in korontada dalkaasi lagu xoojiyo si uu uga gudbo dhibaatada koronto la'aanta.

Shirkadda ay leedahay dowladda Ruushka ee Rosatom ayaa warshad ka dhiseysa dhanka Koonfurta, mid kalena waxay ka sameyneysaa bartamaha dalkaaas, xubin ka tirsan laanta tamarta Atomic-gga ayaa BBC-da sidaas u sheegay.

Qiimaha rasmiga ah ee ku baxaya heshiiska lama garanayo, laakiin waxaa jiro warar sheegaya in ay suuragal tahay in lagu bixiyo illaa $20 milyan oo dollar.

Nigeria waxay ka mid tahay dalalka ay shirkadda Rosatom indhaha ku hayso ee qaaradda Afrika.

Shirkadda waxay wadahadal la leedahay dalalka Ghana iyo South Afrika oo dhaqaalohooda soo kobcayo.

Heshiis horey ay ula gashay Koonfur Afrika waxaa sharcidaro ku tilmaamtay maxkamad, horraantii sanadkan.

Heshiiska Nigeria waxaa la saxiixay ka dib wadahadal qaatay muddo dheer. Labada dal waxay 2009-kii saxiixdeen heshiikii ugu horeeyay ee wadashaqeynta nukliyerka.

Nigeria waxay fileysaa in warshadda ay wax ka qabato dhibaatada korontada ee dalkaaasi ka taagan.

Waxaa maamuli doonta Rosatom ka dib marka la dhammeystiro, waxayna markaa ka dib ku wareejin doontaa dowladda.

Sida laga soo xigtay bangiga adduunka, in ka badan boqolkiiba 40, shacabka Nigeria, maysan haysan koronto, sanadkii 2014-kii.

Nigeria waa mid ka mid ah dalalka soo saara saliidda ugu badan Afrika, laakiin waxaa hareeyay musuqmaasuq, dalkaas oo shacabkiisu gaarayaan 180 milyan oo qof.

Dhismaha warshadda cusub ayaa la filayaa in la billaabo labada sano ee soo socota gudahood.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan