Imaaraatka oo ciidammo ku wareejiyay Soomaaliya

Ciidamada cusub ee UAE soo tababartay
Image caption Ciidamada cusub ee UAE soo tababartay

Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa dowladda Soomaaliya ku wareejisay ciidamo gaaraya 311 askeri oo ay soo tababareen.

Sida lagu qoray wakaaladda wararka dowladda Soomaaliya ee Sonna, safiirka Imaaraatka u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Axmed Cusmaan Al Xammadi ayaa ciidamada ku wareejiyay taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod).

Ciidamadaas ayaa munaasabad loogu qabtay xarunta ciidamada ee Janaraal Gordan, halkaas oo ay ku soo bandhigeen tababarada ay soo qaateen. Ciidamadan ayaa qeyb ka noqon doono dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

"Waxaan dadaal xooggan ugu jirnaa sidii ciidammada xooga dalka ay u heli lahaayeen tababaro caalami ah, qalab dhameystiran iyo Mushaar joogta ah si ay argagaxisada Al-Shabaab uga saaraan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaa," ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhowaan si aan qarsooneyn u sheegay in "aysan Al-Shabaab ka adkaan karin ayadoo aan la helin ciidamo tababaran oo qalabkooda u dhameystiran yahay."

Lahaanshaha sawirka SONNA
Image caption Ciidamadan lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya

Wuxuu caalamka ka dalbaday in ay ka caawiyaan dhanka ciidamada iyo dagaalka ay kula jiraan kooxda xiriirka la leh Al-Qacidda ee Al-Shabaab.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ciidammadan uu u dhameystiran yahay qalabkooda "ayna diyaar u yihiin xureynta dalka".

Image caption Gawaarida ay ku howlgali doonaan ciidamada cusub

"Qalabka ay haystaan wuxuu isugu jiraa hub iyo gaadiid. Taliyayaasha ciidamada waxaan u sheegayaa in ciidankaas ay ku xirnaandoonto sida aad ula dhaqantaan, natiijada ay dagaalka ka soo hoyaan," ayuu yiri Ra'iisul wasaare Khayre.

Wuxuu dowladda Imaaraatka uga mahadceliyay tababarka ay siisay ciidamadan ka tirsanaan doona xoogga Soomaaliya.

Isbuucii tagay, Madaxweyne Farmaajo wuxuu booqday dalalka Ugandha, Jabuuti iyo Itoobiya, wuxuuna u muuqday in uu raadinayay taageero dheeraad ah oo dhanka ah ururka Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in ay u baahan tahay ciidammo si wanaagsan u tababaran oo ka qeybgala sugidda amniga Soomaaliya.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan