Gaarissa:Sicirka dameeraha oo sare u kacay

Seyladda xoolaha ee magaalada Gaarisa ayaa waxaa si weyn loogu kala iibsanayey maalmahan dareemaha, kuwaas oo daabax ahaan loo geeyo kawaan ku yaal magaalada Nakuru.

Ganacsatada ayaa sheegaya in dameerahu ay haatan ka suuq wanaagsanyihiin xoolaha kale.

Kawaanka Nakuru waxaa hilibka dameeraha looga qaadaa dalka Shiinaha, waxa sidoo kale suuq fiican leh hargahooga.

Bashkas Jugsoo Dhacay ayaa booqday suuqa xoolaha ee Gaarisa, warbixintan ayaanu ka soo diray.