Somaliland: Shaqaalaha dawladda iyo ololaha doorashada
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland: Shaqaalaha dawladda iyo ololaha doorashada

Hay'adda shaqaalaha dawladda jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa markii ugu horraysay soo saartay amar lagula dagaallamayo musuqmaasuqa lacagta habeen dhaxa ah ee uu qofka shaqaalaha dawlada ka tirsan leeyahay mar kasta oo uu shaqo rasmi ah ugu safro gobol ka baxsan kii uu ka shaqeynaayay.

Gudoomiyaha hay'adda shaqaalaha Somaliland sharma'arke Muxummed Geelle oo ku dhawaaqay nidaamkan cusub ayaa waxa kale oo uu ka waramay shaqaalaha dawladda oo laga mamnuucay inay ka qayb qaataan ololaha doorashada xisbiyada.

Gudoomiye Sharma'arke wuxuu u waramay weriyaha BBC-d ee Hargeysa Axmed Saciid Cige.