Tottenham oo wacadaro ka dhigtay Horyaallada Yurub

Tottenham Lahaanshaha sawirka EPA

Mauricio Pochettino ma uusan qarinaynin yoolkiisa ama hiigsiga kooxdiisa Tottenham ka dib markii ay si wanaagsan uga badiyeen Real Madrid oo difaacanaysa koobka ay ciyaartani ka tirsan tahay ee Horyaallada Yurub ama Champions League.

Pochettino oo ah tababaraha kooxdan lagu naanaysto Spurs ayay u muuqatay in kooxdiisu ay noqon karto midda ugu wanaagsan Yurub iyo Ingiriiskaba.

Dad yar ayaa arrintaas dood ka keeni kara maadaama oo kooxdiisu ay caddayn wanaagsan la timid markii ay dhagaha ku dhufatay Real Madrid iyaga oo 3-1 ku badiyay.

Tottenham ayaa sidaas ugu soo baxday wareegga xiga ee Horyaalka Ingiriiska kaas oo ciddii laga badiyo ay tartanka ka harto.

Pochettino ayaa hadda doonaya in Tottenham ay ka gudubto horumarka ay samaynayso oo ay soo hoyiso guullo la taaban karo oo koobab ah, isaga oo si cad u sheegay in uu ula jeedo Horyaalka Ingiriiska iyo Champions League.

Lahaanshaha sawirka Rex Features