Dacwado lagu oogay ninka lagu tuhunsan yahay weerarkii New York

Court sketch of suspect Sayfullo Saipov - 1 November Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Saipov, ayaa maxkamad la horgeeyay

Nin qaxooti ah oo u dhashay dalka Uzbekistan ayaa lagu oogay dacwado la xiriira dilka siddeed qof ka dib weerar gaari oo ka dhacay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Sayfullo Saipov oo 29 jir ah, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu taageeray ururka la baxay dowladda Islaamka ee Suuriya iyo Ciraaq, sidoo kalena uu haystay astaantooda.

Waxaa dhaawacay booliska asagoo ku sugnaa meesha weerarka uu ka dhacay, waxaana lagu daaweynayaa cisbitaal.

Dacwad oogayaasha waxay sheegeen in Saipov uu si caadi ah ula hadlay baarayaasha "taas oo ah xuquuqdiisa."

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa bartiisa twitter-ka ku qoray in dil lagu xukumo ninkaas, inkastoo sharciga maxkamadda New York uusan qabin.

Weerarka ayaa dhacay Talaadadii xilligaas oo nin gaari watay uu jiiray dad marayay waddo baaskiillada loogu talagalay, waxaana ku dhintay siddeed qof, 11 kalena way ku dhaawacmeen.

Lix qof ayaa isla goobta ku dhimatay, laba kalena waxay ku dhinteen cisbitaalka. Sagaal ka mid ah dadkii dhaawacmay ayaa weli la daaweynayaan.

Waxa ku qoray warqad loo gudbiyay maxkamadda:

  • Mr Saipov wuxuu sheegay in weerarka la qorsheeyay laba bilood ka hor
  • Wuxuu sheegay in si ula kac ah u eegtay munaasabadda Halloween si xilli dad badan uu weerarka u fuliyo
  • Wuxuu doonayay in calanka IS uu ku surto gaariga, balse in uu iska daayay si aan looga shakinin
  • Maamulka waxaa la soo gaarsiiyay 90 muuqaallo dagaal iyo argagax leh oo ah dacaayadda IS, kuwaa oo ku jiray telefoonkiisa
  • Wuxuu sheegay in ururka la baxay dowladda Islaamka ay dhiirageliyeen, gaar ahaan Hoggaamiyahooda Abu Bakar al-Baqdadi "kaas oo Muslimiinta weydiistay in ay u aargudaan dadka lagu dilayo Ciraaq

Xilli sii horeysay, Taliye ku xigeenka booliska New York, John Miller wuxuu saxaafadda u sheegay: "Wuxuu u muuqday in uu raacayay astaan 'T' ah, taas oo ah tusaalaha IS ku baahiyaan baraha bulshada oo ay ku sheegayaan sida taageerayaashooda weerar u qaadi karaan."

Nin kale oo u dhashay Uzbek oo la raadinayay, si wax looga weydiiyo weerarka, ayaa la helay, sida baarayaashu sheegeen.

Waa kuma ninka la tuhunsan yahay?

Magaciisa waa Sayfullah Saipoy, sida ay qortay warbaahinta Maraykanka, waana ninka lagu tuhunsanyahay in uu geystay weerarka magaalada New York ee loo adeegsaday gaariga. Illaa 11 qof ayaa ku dhimatay weerarkaas.

Waxa uu Maraykanka tagay sanadkii 2010-kii , isaga oo ka yimid dalka Uzbekistan, halkaas oo uu ku dhashay sanadkii 1988-dii.

Waxaa la rumeysanyahay in uu ku noolaa gobolada Ohio, Florida iyo New Jersey tan iyo intii uu heley kaarka cagaaran ee u fasaxaya in uu ka shaqaysto dalka Maraykanka.

Lahaanshaha sawirka ST CHARLES COUNTY POLICE DEPT
Image caption Sawirka Sayfullo Saipov waxaa qaaday booliska Missouri, 2016-kii

Wadaad Uzbek ah oo Maraykanka ku nool oo lagu magacaabo Mirrakhmat Muminov ayaa sheegay in wiilkan ay duufsadeen kooxo xag jir ah oo internetka uu kala xiriiray.

Wadaadkan oo BBC-da u waramay ayaa sheegay in qiyaas ahaan 70,000 qof oo Uzbek ah ay ku noolyihiin Maraykanka, kuwaas oo badankood ku nool magaalada New York oo uu weerarka ka dhacay.

Markii ugu horaysay oo ninkan uu sharciga ku xad gudbay ayaa ahayd sanadkii hore, xiligaas oo lagu ganaaxay xadgudub xagga gaadiidka ah.

Waxaa la rumeysanyahay in uu ka kici doono dhaawaca xabbada booliiska, kadibna la waraysan doono.

Waxaa jira aragtiyo la qabo oo ah in ninkan uu kaligiis maleegay weerarka, oo aysan jirin qorshe balaaran oo weerar lagu geysanayo, ama ay jirto cid soo abaabushay si toos ah.

Lahaanshaha sawirka Social media
Image caption Dadka meesha ku dhintay waxaa ka mid ahaa shan qof oo muddo saaxiibo ahaa oo u dhashay Argentina

Ninkan ayaa ka yimid magaalada Peterson, New Jersey, halkaas oo uu gaariga kasoo kireysay, islamarkaasna ay ku noolyihiin illaa 30,000 kun oo muslimiin ah.

Wasaarada arrimaha dibedda ayaa sheegtay in ay baareyso in ninkaas uu yahay nin dalkooda u dhashay.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa dhaleeceeyay weerarka.

Haddii la xaqiijiyo dalka uu u dhashay ninkan in uu yahay Uzbepakistan, ma noqon doono qofkii ugu horeeyay ee dalkan u dhashay ee weerar lagu eedeeyo, sanadkii hore waxaa 15 sano oo xarig ah lagu xukumay weeraro uu ka qorshaynayay gudaha Maraykanka.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan