Cumar Faaruq oo BBC uga waramay dhibaatada lagu hayo saxafiyiinta Soomaalida
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maalinta ka hortagga dilka suxufiyiinta caalamka oo Soomaaliya safka hore kaga jirto

Maanta waa maalinta caalamiga ah ee loo aqoonsaday in wax laga qabto dembiyada ka dhanka ah suxufiyiinta adduunka. Maalintan -2da November waxaa asteeyay Qaramada Midoobay si looga hortago wax ka qabad la'aanta dembiyada dilku ka mid yahay ee lagula kaco suxufiyiinta caalamka.

Cumar Faaruukh waxaa uu ka mid yahay hoggaanka sare ee ururka suxufiyiinta adduunka. Magaalada Geneva ayuu ku sugan yahay hadda. Wariyaha BBC Axmed Cabdinuur ayaa weydiiyay baaxadda ay leedahay dhibaatadan laga hadlayo.