Ra'iisulwasaarihii hore ee Pakistan oo maxkamad la soo taagay

Nawaz Sharif wuu diiday in uu wax khalad ah gaystay Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY IMAGES
Image caption Nawaz Sharif wuu diiday in uu wax khalad ah gaystay

Ra'iisulwasaarihii hore ee Pakistan Nawaz Sharif ayaa maxkamad ka soo muuqday isaga oo loo haysto labo dacwadood oo musuqmaasuq la xiriira.

Isaga iyo xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa wajahaya dacwado la xiriira hanti ay ku leeyihiin magaalada London.

Waydiideen in ay wax khalad ah sameeyeen, dadka taageersanna waxay sheegayaan in dacwadahani ay siyaasadaysan yihiin.

Sharif oo 67 jir ah ayaa banneeyay Ra'iisulwasaarenimada bishii Luulyo ka dib markii maxkamadda ugu saraysa Pakistan ay xilka ka xayuubisay, ka dib markii ay ku heshay in ay jiraan dhaqaale soo galay oo aysan caddayn meesha uu ka helay.

Maxkamadda ayaa sidoo kale amartay in waaxda qaran ee isla xisaabtanku ay baaritaan ku samayso dhaqaalaha qoyska Sharif, dacawadna ku soo oogaan.

Sharif ayaa ka soo laabtay magaalada London Khamiistii, ka dib toddobaadyo la hadalhayay.

Subaxnimadii Jimcaha ayay maxkamadda isla xisaabtanka ee Islamabad ka soo muuqdeen Ra'iisulwasaaraha, gabadhiisa Maryam iyo wiilka uu soddoga u yahay.

Dhagaysiga koobaad ee maxkamadaynta Sharif ayaa si dhaw loogala socondoonaa gudaha Pakistan iyo dibaddaba, sida uu ku soo warramayo weriyaha BBC, Anbarasan Ethirajan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan