Dekedda Boosaaso oo hawlaheedii dib u bilawday
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dekedda Boosaaso oo hawlaheedii dib u bilawday

Dekadda Magaalada Boosaaso ayaa todobo maalmood kadib hawlaheedii dib u bilaabmeen ka dib markii wadahadalo ay dhexmareen xubno ka socday dowladda maamul goboleedka Puntland iyo ganacsatada magaalada.

Ganacsatada ayaa ka cabanayey lacago ay sheegeen in ay ku kordhisay shirkadda DP World oo dhawaan lagu wareejiyey maamulka dekaddu.

Axmed Cawil oo ah weriye oo jooga magaalada Garoowe ayaa is afgaraadkaa ka waraystay Khadar Siciid Axmed oo ka mid ah ganacsatada Boosaaso.