Somaliland: Dambiyada badaha oo Hargaysa lagaga shiray
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland: Dambiyada badaha oo Hargaysa lagaga shiray

Magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa shalay lagu soo gaba-gabeeyay shir hawleed ku saabsanaa ka hortagga denbiyada ka dhaca badda sida tahriibta, budhacad badeednimada, kalluumeysiga sharci darrada ah iyo wasakhaynta badaha.

Shirkan waxaa si wada jir ah u waday hay'adda EUCAP iyo xafiiska xeer ilaaliyaha guud, waxaana ka qayb galyey garsoorka iyo xafiisyada xeer ilaalinta Somaliland.

Haddaba xeer ilaaliyaha guud ee Somaliland Xasan Maxamed Aadan, ayaa dulucdii shirkaa iyo arimihii lagu lafa guray uga waramay Maxamed Cabdiraxmaan.