67 erey oo sababay qarni kala qeybsanaan ah

Qolka hotel ku yaalla Baytulaxan oo wasiir Arthur Balfour ku saxiixay go'aanka.
Image caption Qolka hotel ku yaalla Baytulaxan oo wasiir Arthur Balfour ku saxiixay go'aanka.

Wasiir ka tirsanaan jiray dowladda Britain, Arthur Balfour, way yartahay in magaciisa lagu arko buugaagta loo dhigo caruurta UK, balse caruurta Israa'iil iyo Falastiin wax badan ayay ka garanayaan.

Bayaankii Balfour uu saxiixay labadii Nofembar 1917-kii, wuxuu qeyb ka yahay casharada Taariikhda ee lagu dhigo iskuullada Israa'iil iyo Falastiin. Labada dhinacba si kala duwan ayey u turjumaan, caruurtana u baraan.

Warqaddaas waxaa loo arkaa meesha uu ka bilowday dagaalka u dhexeeya Carabta iyo Israa'iil.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Britain ayaa bayaankaas ku lifaaqday warqad loo diray Lord Walter Rothschild, oo hurmuud u ahaa dhaqdhaqaaqa Yahuudda ay ku doonayeen in ay dal ay leeyihiin ka helaan "dhulka ay deganaan jireen taariikh ahaan."

Dhulkaas ay doonayeen wuxuu ka billaabanayay badda Mediterranean-ka illaa bariga wobiga Jordan, halkaas oo hadda loo yaqaano Falastiin.

Warqadda waxay muujineysay in dowladda Britain ay taageertay "in Falastiin laga dhex sameeyo qaran ay dadka Yahuudda leeyihiin".

Image caption Warqadda 67-da erey ka kooban ee Balfour uu qoray

Sidoo kale, warqadda waxaa ku qornaa "waa in khatar aan lagu noqon xuquuqda iyo diinta dadka aan yahuudda ahayn".

Dadka Falastiin arrintaasi waxay u arkeen khayaano wayn, si gaar ah ballanqaadkii la sameeyay ee ahaa taageero militari iyo mid siyaasadeed in la siiyo Carabta oo xilligaas ay maamushay boqortooyadii Cusmaaniyiinta, xilligii dagaalkii koobaad ee dunida.

Arrinta waxay muujineysay in Britain ay taageereyso dagaalka xuriyadda looga qaadanayay Cusmaaniyiinta oo qeybo badan oo Bariga dhexe ah maamulaysay. Carabta waxay u fahmeen in lagu daro Falastiin in kastoo si gaar ah aan loo magacaabin.

"Ma u maleyneysaa in Britain ay dembi ka gashay shacabka Falastiin?" Macallimad ayaa su'aashaa waydiisay caruur dhigata iskuul ku yaalla magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed oo Falastiiniyiin ay deggan yihiin.

Image caption Falastiiniyiinta waxay bayaankaas u arkaan mid cadaalad darro ahaa

Caruurta gacanta ayey wada taageen.

"Haa," gabar 15 jir ah ayaa ku jawaabtay. "Qaraarka wuxuu ahaa mid aan sharci ahayn sababtoo ah Falastiin weli waxay qeyb ka tahay boqortooyadii Cusmaaniyiinta, Britain na ma maamusho."

"Britain waxay Carabta u aragtaa dad laga tiro badan yahay in kastoo boqolkiiba 90 ay ka yihiin bulshada."

Go'aan aan la kaari karin

Jaamacadda Hebrew ee Qudus ku taalla, oo Balfour uu xarigga ka jaray, macallim wax ka dhiga ayaa taxliiliyay 67-da erey ee warqadda ku qoran.

Khabiir ku taqasustay xeerarka caalamiga ah, Prof Lapidoth, ayaa ku dooday in bayaanka uu ahaa mid sharci ah, balse waxay sheegtay in Britain ay dhib ku noqotay fulinta ballanqaadkaasi.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Lord Balfour ayaa soo dhoweyn geesinimo loogu sameeyay Qudus, 1925-kii

"Xaaladda siyaasadeed waxay ahay mid aad u xumaatay, markii Nazi-ga ay xukunka qabsadeen, ka dib England waxay u baahatay caawinta dalalkii Carabta ee saaxiibka ay lahayd," ayey tiri.

"Ka dib waxay dhimeen fulinta qaraarka oo mid laga naxo ahayd," ayey hadalkeeda ku dartay.

Prof Lapidoth waxay Jarmalka ka tagtay 1938-dii, sanad ka hor intuusan billaaban dagaalkii labaad ee dunida, marka dan ayaa ugu jirtay go'aankii Britain.

'Ballanqaad muddo jiray'

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Benjamin Netanyahu, wuxuu qaraarkii Balfour ku tilmaamay "aasaaska guusha" lagu unkay dalkiisa.

Dowladda Britain ayaa ku marti qaaday London, si uu uga qeybgalo munaasabadda lagu xusay qarniga laga joogo qaraarkaas.

Go'aankaasi wuxuu dhibaato ku yahay nabadda Israa'iil iyo Falastiin. Shacabka Falastiiniyiinta ayaana qorsheynaya maalin dibad baxyo ah.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Falastiiniyiinta waxay sheegeen in qaraarka Britain uu dhabar jebiyay qarannimadooda.

Waxay doonayaan in Britain ay raali gelin ka bixiso bayaankii uu saxiixay Balfour.

"Maadaama waqtiga uu socdo, waxaan u maleynayaa in shacabka Britain ay illaaween casharada taariikhda laga bartay," ayuu yiri wasiirka waxbarashada Falastiin Sabri Saydam.

Wuxuu farta ku fiiqay in Falastiin weli ay raadineyso qaran u gaar ah oo deris la ah Israa'iil kaas oo ku salaysan waxa loo yaqaano xalka labada dal. Beesha caalamka ayaa hannaankaas u arko in dagaalka lagu soo af jari karo.

"Waqtiga ay xuroobayaan Falastiiniyiinta wuu imaanayaa, ballanqaadka weli taaganna waala fulin doonaa," ayuu yiri.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan