Wararka BBC Somali ee loogu akhriska badnaa isbuucan

Halkan akhriso qaar ka mid ah sheekooyiinkii loogu akhriska badnaa isbuucan ee aan ku daabacnay barta BBC Somali

1. Sideed Arrimood oo ku saabsan hurdada

Maqaalkan wuxuu ku saabsan yahay waxa aan ka ognahay saacadaha aan hurudno iyo saamaynta ay ku leedahay nolosheena, caafimaadkeena iyo maskaxdeena

Lahaanshaha sawirka Getty Images

2. Shan arrimood oo ku saabsan sidii loo dilay madaxweynihii hore ee Maraykanka

Dilkii qaarijinta ahaa ee loo geystay madaxweynihii hore ee Maraykanka John Fitzgerald Kennedy ayaa waxa ay ahayd dhacdadii ugu naxdinta badnayd ee dhacday qarnigii 20-aad.

Lahaanshaha sawirka .
Image caption JF Kennedy waxa uu ahaa madaxweynihii Maraykanka ee loogu jeclaa, waxaana la dilay 50 sano ka hor

3. Aroosad sun ay u qooshtay ninkeeda ku dishay 15 qof oo reer xididkeeda ah

Booliiska Pakistan ayaa xiray haweenay aroosad ahayd, taas oo markii lagu guda jiray arooskeeda sun caano ugu dartay dadkii ka qaybgalayay, halkaasna ay ku dhinteen illaa 15 qof.

Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY IMAGES
Image caption Caano sun loogu daray dad ka qeybgalayay aroos

4. Ganacsiga casriga ah ee iibka internetka oo Soomaaliya kusoo kordhay

Siciid Maxamed oo ah hal abuure ganacsi oo da'yar ayaa Soomaaliya kusoo kordhiyay ganacsiga qadka internetka oo badeecooyinka laga dalbado.

Lahaanshaha sawirka INNOVATE VENTURES
Image caption Saddexda asaase ee shirkadda iibka internerka ee Muraadso

5. Maxay soo kordhin kartaa shaqa ka ceyrinta Sanbaloolshe iyo Saacid?

Dowladda federaalka oo ka jawaabeysay weeraradii ugu dambeeyay ayaa shaqada ka joojisay taliyayaasha ciidamada amniga iyo nabadsugidda. Haddaba tallaabadaasi amxay soo kordhin kartaa?

Lahaanshaha sawirka Villa Somalia
Image caption Madaxweyne Farmaaajo

6. Cudur aanan la aqoon oo ku dhaca carruurta qaxootiga ku ah Sweden

Arrintan xanuunka ilmaha qaxootiga ah ayaa noqotay mid siyaasadeed, waxaana soo baxay warar sheegaya in carruurtan ay jilayaan xanuunka, ama waalidkood ay sun siinayaan si ay u helaan degenaansho.

Image caption Sophie waxa ay ka mid tahay carruurta uu cudurkan ku dhacay

7. Dumarka Sacuudiga oo loo ogolaanayo garoommada Ciyaaraha

Dawladda Sacuudi Carabiya ayaa markii u horraysay dumarka u ogolaandoonta in ay daawadaan ciyaaraha garoommada lagu qabto sannadka soo socda, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dadka mayalka adag ayaa daleecayn wayn soo jeediyay markii dumarka loo ogolaaday in ay ka qaybgalaan maalinta qranka oo lagu xusay garoonka ciyaaraha

8. Dilkii Bin Ladin macluumaad la xiriira oo CIA-du baahisay

Laanta sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa baahisay ku dhowaad 470,000 oo faylal oo la helay intii uu socday howlgalkii 2011-kii lagu dilay hoggaamiyihii hore ee Al-Qacidda, Osama Bin Ladin

Lahaanshaha sawirka Getty Images