Xisbiyada Somaliland oo lagu dhaliilay dhaqaalaha ololaha
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xisbiyada Somaliland oo lagu dhaliilay dhaqaalaha ololaha

Dad badan ayaa qaba fikrad ah in aan loo baahneyn dhaqaalaha faraha badan ee malaayiinta dollar dhan ee ku baxaya dibedbaxyada ay xisbiyada iyo taageerayaashoodu ku bixiyaan maalmahan ololaha doorashada ee ka socdo magaalooyinka Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland .

Nuur Xuseen Cumar-xaashi waa aqoonyahan aad ugu kuurgalay lacagtan olalaha ku baxda taasoo uu ku tilmaamay dhiig-bax , isagoo soo jeediyay in lacagtan mustaqabalka dhinaca horumarinta bulshada loo jeediyo .

Nuur wuxuu Hargaysa ugu waramay weriyaha BBC-d Axmed Saciid Cige.