Shaqaal ka tirsan Qaramada Midoobe oo lagu eedeeyay in ay tacadiyo gaysteen

Ciidamada Nabad ilaalinta Qaramada Midoobe Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ciidamada Nabad ilaalinta Qaramada Midoobe

Qaramada Midoobe ayaa heshay 31 eedeeymo cusub ah oo ku saabsan in shaqaalaheeda ay gaysteen tacadiyo dhanka galmada ah intii u dhaxaysay bilihii July iyo September ee sanadkan.

12 ka mid ah kiisaskan ayaa waxa la sheegay in ay gaysteen ciidamada nabad ilalinta u jooga dalka Haiti iyo Shan dal oo kale oo ku yaalla qaarada Afrika.

Sidoo kale qaar ka mid ah shaqaalaha hay'adaha gargaarka ee Qaramada Midoobey ayaa la sheegay in ay ku lug leeyihiin tacadiyadan.

Dalalka la sheegay in tacadiyadani ay ka dhaceen ayaa wax ka mid ah Jamhuuriyadda Afrikada dhexe,Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo , Liberia, Mali iyo Sudanta Koonfureed.

Afhayeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe Stephane Dujarric ayaa sheegay in aan la xaqiijin dhammaan kiisaska tacadiyadani.

Waxa uu intaa ku daray in Qaramada Midoobe ay gacan siinayso dadkii ay waxyeelada soo gaartay islamarkana ay tababaro u fidinayso shaqaalaha Qaramada Midoobe ka hor inta an la gayn goobaha ay ka howlgayaan.