Nin la dilay isaga oo ku guda jira qaliin uu wajiga isaga badalayay

Jesus Martin waxa uu hogaaminayay koox xada Shidaalka Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Jesus Martin waxa uu hogaaminayay koox xada Shidaalka

Nin hogaamiye u ahaa koox burcad ah dalka Mexico ayaa la toogtay isaga oo ku guda jiray qaliin dhanka jirka ah oo uu ku doonayay in uu wajigiisa wax uga badalo si aan loo aqoonsan.

Rag hubaysan ayaa galay isbataal ku yaalla magaaladda Puebla halkaasi oo ay ku dileen Jesus Martin, oo loo yaqaano El Kalimba, isaga oo saranaa miiska qaliinka.

Booliiska waxa ay sheegeen in dilkani uu yahay mid u muuqda muran u dhaxeeya kooxo burcad ah oo iska soo horjeeda.

Jesus Martin ma aha ninkii ugu horeeyay ee hogaamiya koox burcad ah dalka Mexico oo qaliin dhanka jirka ah sameeya si uu uga maagto in la dilo ama la xiro.

Mid ka mid ah raggii caanka ku ahaa ka ganacsiga daroogada oo lagu magacaabi jiray ,Amado Carrillo,ayaa u dhintay dhibaato ka soo gaartay qaliin dhanka jirka ah oo uu sameeyay sanaddii 1997.

Jesus Martin ayaa la sheegay in uu hogaaminayay koox si sharci daro ah dhuumaha shidaalka qaada uga xadda Shidaalka.

Bishii April, ayay ahayd markii Congres-ka dalka Mexico ay ansixiyeen hindisa sharciyeed lagu kordhinayay muddada xabsiga dadka lagu helo in ay Shidaal xadeen taasi oo imika ah 25 sano oo xarig ah.