Colombia iyo Qaramada Midoobe oo kala saxiixday heshiis lagula dagaalamayo daroogada

Beeralayda ayaa magdhaw la siin doonaa hadii ay joojiyaan Beerashada Kookaynka Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Beeralayda ayaa magdhaw la siin doonaa hadii ay joojiyaan Beerashada Kookaynka

Dowladda Colombia ayaa heshiis ku kacaya $300 oo milyan oo doolar la saxiixatay Qaramada Midoobe.

Heshiiskan ayaa waxa looga gol leeyahay in lagu dhimo soo saarida daroogada Kookaynka loo yaqaano.

Beeralayda iyagu iska dhaafa beerashada Kookaynka islamarkana beerta miraha kale ayaa waxa la siin doonaa magdhaw.

Madaxa xafiiska Qaramada midoobe u qaabilsan ka hortaga daroogada iyo dambiyada ayaa sheegay in ay tahay fursad looga taqalusi karo beerashada daroogadda nooca Kookaynka.

Dalka Colombia ayaa sida uu sheegay xafiiska Qaramada Midoobe waxa uu kaalinta kowaad kaga jiraa wadamada sida wayn loogu beero daroogada.

Yury Fedotov oo ah Madaxa xafiiska Qaramada midoobe u qaabilsan ka hortaga daroogada iyo dambiyada ayaa sheegay in nabadda ay u baahan tahay in xal waaro loo helo dambiyada huriyay coladaha.

Beeralayda dalka Colombia ayaa waxa ay bishii imika ka helaan halkii Hiktar oo Kookayn ah oo ay beertaan lacag dhan $300 oo doolar.