Ciidamada Suuriya oo ku duulay magaalo muhim ah oo ay IS haystaan

Xoogaga gacansaarka la leh xukuumadda Suuriya Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Xoogaga gacansaarka la leh xukuumadda Suuriya

Xoogaga gacansaarka la leh dowladda Suuriya oo taageero dhanka cirka ah ka helaya Ruushka ayaa waxa ay ku sii siqayaan magaalo ku taalla xuduuda Ciraaq oo ay gacanta ku hayaan kooxda IS.

Maalin uun ka dib markii ay ciidamada Suuriya gacanta ku dhigeen magaaladda Deir al-Zour,ayaa waxa militariga dowlada Suuriya ay qaadeen duulaan ay dib ugu qabsanayaan magaalada Albu Kamal.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanada IS ay ka baxeen magaaladasi oo ay aadeen dhanka xuduuda Ciraaq.

Koox maleeshiyaad Shiico ah oo ku sugan Ciraaq ayaa waxay sheegeen in ay ka soo talaabayaan xuduuda si ay uga qayb qaataan duulaanka magaalada Albu Kama.

Waxa ay arrintani muujinaysa sida kooxda la baxday dowlada Islamka uu gacantooda uga baxayo dhul ay horey u haysteen.

Magaaladan Albu Kama oo ku taalla xuduuda Ciraaq iyo Suuriya ayaa ahayd mid ka mid ah meelaha ay sida wayn ugu xoogan yihiin kooxda IS.

Ma cadda sida ay isula shaqayn karaan ciidamada gacan saarka la leh dowladda Suuriya iyo kooxaha Shiicada Ciraaq balse hadafka ayaa ah in meesha laga saaro kooxda IS.