Iscasilaada Al Xariiri maxay gobolka uga dhigantahay
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Iscasilaada Al Xariiri maxay gobolka uga dhigantahay

Ra'isal wasaarihii Lubnaan, Sacad Al-Xariiri, ayaa si lama filaan ah isku casilay waxaanu Al-Xariiri

iscasiladiisa kaga dhawaaqay magaalada Riyaad ee dalka Sacuudiga waxaanu sheegay in uu naftiisa u baqayo, sababta ugu weyn ee uu xilka iskaga dhigay tahay arintaa.

Wuxuu sidoo kale eedeyn kulul u soo jeediyay ururka Xisbullah iyo dowladda Iran.

Hadaba maxay tallaabadan uu qaaday Sacad Al-Xariiri dalka Lubnaan iyo guud ahaan ba gobolka uga dhigantahay? Maxamuud Sheekh Axmed Dalmar oo ka faalooda arimaha dunida Carabta iyo Islaamka aya uga waramay Axmed Badar.