Madaxwayne Trump oo ammaanay iskaashiga Japan iyo Mareykanka

Madaxwayne Trump iyo Rai'sul wasaare Shinzo Abe Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxwayne Trump iyo Rai'sul wasaare Shinzo Abe

Madaxwayne Donald Trump ayaa gaaray dalka Japan lugtiisii ugu horeysay ee booqashada uu ku marayo dalalka Eeshiya.

Madaxwayne Trump oo ciidamada Mareykanka iyo kuwa Japan kula hadlayay saldhiga Yokota oo u dhaw magaaladda Tokyo ayaa ammaanay isbahaysiga u dhaxeeya Mareykanka iyo Japan.

Madaxwaynaha Mareykanka ayaa intaa ku daray in militariga ay haystaan dhaqaalihii loo baahnaa si ay nabadda u ilaaliyaan islamarkana ay xorriyadda u difaacaan.

Booqashada madaxwayne Trump ayaa ku soo beegmaysa xilli ay kacsan tahay xiisadda barnaamijka Niyukleerka iyo tijaabada gantaaladda Kuuriyada Waqooyi.

Madaxwayne Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay horey isu waydaarsadeen hanjabaado iyo hadalo kulul.

Waxa ay noqon doontaa booqashadii ugu dheereyd ee uu madaxwayne Mareykan ah ku tago dibadda muddo 25 sano ah.

Booqashada Trump oo qaadan doonta 11 maalmood waxa uu ku tagi doonaa dalalka Japan, Kuuriyada Koonfureed, Shiinaha, Vietnam iyo Philippine.