Kumannaan qof oo isugu soo baxay magaalada Barcelona

Dibad baxayal badan oo isgu so baxay Barcelona Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dibad baxayal badan oo isgu so baxay Barcelona

Kumanaan qof oo ah dadka ree Catalonia ayaa isugu soo baxay magaalada Barcelona ee dalka Spain.

Dadkan ayaa waxay dalbanayaan in la siidayo wasiiro hore oo ka mid ah dadkii tageersanaa aftidii madaxbanaanida kuwaasi oo ay xirtay xukuumadda Spain.

Dadka dibaxa dhigaya ayaa waxa ay u arkaan hogaamiyayaashani xiran in ay yihiin maxaabiis siyaasadeed.

Sideed siyaasi ayaa la xiray waxaan ku socda baaritaan la xiriira in ay ku kaceen falal mucardnimo iyo khiyaano qaran.

Dacwad oogayaasha dalka Belgium ayaa darsaya warqad ay soo saartay xukuumadda Spain taasi oo ay ku dalbanayso in la xiro hogaamiyihii xilka laga qaadat ee Catalonia iyo xubnood oo kale.

Hogaamiyihii hore ee gobolka Catalonia Carles Puigdemont iyo shan xubnood oo horey wasiir uga ahaan jiray maamulkii Catalonia.

Mr Puigdemont ayaa sheegay in uusan dib ugu laaban doonin dalka Spain ilaa uu ka helayo damaanad qaad ku aadan in uu helayo maxkamadayn u dhacda si xaq.