Hoggaamiyihii Catalonia oo la soo taagay Maxkamad

Taageerayaasha madaxbannaanida Catalonia ayaa ku hor muddaharaaday maxkamadda la soo taagay Carles Puigdemont. Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Taageerayaasha madaxbannaanida Catalonia ayaa ku hor muddaharaaday maxkamadda la soo taagay Carles Puigdemont.

Hoggaamiyihii xilka laga tuuray ee gobolka Catalonia, Carles Puigdemont iyo afar ka tirsanaan jirtay golahiisa wasiirada ayaa laga sii daayay xabsi ku yaalla dalka Beljamka, kaddib markii Spain ay u jartay waraaqdii lagu soo qaban lahaa.

Garsoore maxkamadeed ayaa shuruud ku sii daayay mas'uuliyiintani, waxaana shuruuddaasi ka mid ah in aysan ka bixin dalka Beljamka iyaga oo aan ruqsad ka haysan maxkamadda isla markaana ay tahay in ay caddeeyaan halka ay deggan yihiin.

Waxaa lagu amray in ay u hoggaansamaan awaamiirta booliska iyo maxkamadaha, waxaana la filayaa in maxkamad la soo taago muddo 15 maalmood guda hooda ah.

Dolwadda Spain ayaa raggan ku eedeynaysa aftidii madaxbannaanida ee Catalonia oo maxkamadda sare ee Spain ay sharci darro ku tilmaantay waxaana dowladda ay la wareegtay awooddii ismaamulka gobolkaasi.