Japan "oo ka hortageysa madaafiicda" Kuuriyada Waqooyi

Mr Trump ayaa booqasho ku jooga Japan, waana safarkiisii ugu horeeyay ee Aasiya, isagoo madaxweyne Mareykan ah Lahaanshaha sawirka AFP/Getty Images
Image caption Mr Trump ayaa booqasho ku jooga Japan, waana safarkiisii ugu horeeyay ee Aasiya, isagoo madaxweyne Mareykan ah

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in Japan ay hawada ku baabi'in doonto madaafiicda Kuuriyada Waqooyi, ayadoo adeegsanaysa qalab ay Mareykanka ka iibsatay.

Ra'iisul wasaaraha Japan, Shinzo Abe ayaa dhankiisa xaqiijiyay in madaafiicda ay soo dhulka dhigi karaan, haddii loo baahdo.

Labada hoggaamiye ayaa saxaafadda la hadlay ka dib markii Trump uu Japan gaaray, taas oo ah booqashadiisii ugu horeysay ee dalkaas, tan iyo markii xilka uu qabtay.

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa gantaallada ridada dheer dul marisay Japan laba goor, bilihii la soo dhaafay.

Isniintii, isagoo ka jawaabayay su'aalaha saxafiyiinta, Mr Trump wuxuu sheegay in Abe "uu doonayo in qalab badan oo militari ka iibsado Mareykanka".

Mar uu ka hadlaayay hubka Kuuriyada Waqooyi wuxuu yiri "Mr Abe wuxuu gantaallada ku baabi'in doonaa hawada" ka dib marka laga iibiyo qalabka casriga ah.

Ra'iisul wasaaraha Japan Mr Abe wuxuu sheegay in dalkiisa "uu xoojinayo awoodda iyo tayada" difaaca, "si looga hortago xaaladda cakiran" ee Kuuriyada Waqooyi.

Wuxuu ku dooday in ka hortagga madaafiicda lagu saleeyay "wada shaqeyn sharci ah" oo dhex marta Mareykanka iyo Japan, marka laga hadlayo soo rididda madaafiicda.

"Haddii laga maarmi waayo, waan samayn karnaa sidaas," ayuu yiri Mr Abe.

Lama oga weli in Trump uu saxiixay heshiis militari, intuu ku guda jiray safarkiisii Japan, laakiin labada dal waxaa ka dhexeeyo xiriir militari oo dhow. Mareykanka wuxuu xarrumo ciidan ku leeyahay Japan.

Labada hoggaamiye waxay dib u xaqiijiyeen xoojinta xiriirkooda "si ay meel uga soo wada jeestaan khatarta Kuuriyada Waqooyi", Sida uu sheegay Trump.

Trump intuu ku sugnaa Japan, wuxuu booqday saldhigga militariga Mareykanka ee Tokyo iyo hoggaamiyayaasha ganacsiga ee Mareykanka, halkaas oo si daah furan uu Japan ugu eedeeyay qasaaraha dhaqaale.

Mr Trump ayaa booqan doono Kuuriyada Koonfureed, Shiinaha, Vietnam iyo Philippines, isbuucyada soo socda.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan