Wasiir Maraykan ah oo xiriir la leh dad ay xayiraad saaran tahay oo Ruush ah

Wilbur Ross ayaa kaalin mugleh ka qaatay ganacsiga iyo siyaasadda Trump Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Wilbur Ross ayaa kaalin mugleh ka qaatay ganacsiga iyo siyaasadda Trump

Mid ka mid ah ragga ugu sarreeya maamulka madaxweyne Donald Trump ayaa xiriir ganacsi la leh dad Ruush ah oo xulafo la ah madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin kuwaas oo Maraykanku uu cunaqabatayn saaray, sida lagu faafiyay waraaqo sir ah oo loo bixiyay Paradise Papers.

Wasiirka ganacsiga ee Maraykanka Wilbur Ross ayaa wax ku leh shirkadda Navigator Holdings oo sannadkii malaayiin doolar ka hesha daabulaadda shidaal ay leedahay shirkadda Sibur ee Ruushka.

Labo ka kid ah saamilayda shirkadda Sibur waxaa saaran noocyo xayiraad ah oo Maraykanku uu ku soo rogay.

Afhayeen u hadlay waaxda ganacsigu dood kama keenin xogtan cusub ee la faafiyay.

"Wasiir Ross wuxuu naftiisa ka reebay arrin kaste oo la xiriirta ganacsiga maraakiibta", sida uu afhayeen u sheegay BBC-da, wuxuuna intaas ku daray in uu si dhaw ula shaqayn doono wasaaradda ganacsiga qaybeeda isla xisaabtanka si uu u hubsado in aan qaanuunka la jabinin.

Dadka saamiyada ku leh Sibur waxaa ka mid ah Kirill Shamalov oo uu sodog u yahay madaxweynaha Ruushka, Vladamir Putin.

Shirkadda Sibur iyo Shamalov wax xayiraad ah ma saarna inkastoo Shamalov aabihii Nikolai ay cunaqabatayn saaran tahay.